Monday, October 6, 2025
HomeWararGudahakulankii u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo Burburay

kulankii u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo Burburay

Waxaa si rasmi ah u burburay kulankii Xalay fiidnimadii soo bilaabmay ee u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, kaas oo qaatay inka badan 4 saac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay Axmed Madoobe in dib loogu laabanayo doorashadiisa, sidoo kalana isku diyaariyo doorashada qof iyo cod ah, oo laga qabanayo deeganada JL.

Axmed Madoobe, ayaa isagana dhankiisa ku adkeystay, in uusan marna aqbaliheyn in doorashadiisa lagu laabto, mid taas lamid ah ayuuna Xasan Sheekh u sheegay in Dowladda Federalka aqbasho doorashadiisa. Sidoo kalana laga laabto warqaddii ay horraan u soo saartay maxkamadda G/Banaadir.

Kulanka ayaa si rasmi ah loogu kala tagay, waxaaa warar hordhac ah sheegayyaan in taliyaasha Sirdoonka dalalka Kenya iyo Itoobiya, oo dhexdhexaadiyaasha ahaa, ay markale caawa isku dayi doonaan inay kala dhex-galaan labada masuul.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe