Home Warar Kismaayo: Dhaqaatiir welwel ka muujisay faafitaanka Cagaarshowga (Hepatitis B).

Kismaayo: Dhaqaatiir welwel ka muujisay faafitaanka Cagaarshowga (Hepatitis B).

17

Magaalada Kismaayo waxaa muddooyinkii dambe kusoo kordhayay kiisaska cudurka Cagaarshowga Soomaalida u taqaan (Hepatitis B) kaddib markii lagu xaqiijiyay baaris lagu sameeyay dhowr qof oo xannuunkaan looga shakiyay.

Dr. Yuusuf Maxamed Cumar oo kamid ah Dhaqaatiirta ka howlgasha Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen 2021 ay heleen illaa 8% baaris ay ku sameeyeen Dad gaaraya 1524 qof halka sanadkaan ay kordheen la baaray 1,121 qof oo laga helay 7.3% bukaannada laga helay xannuunkaan.

Waxa uu soo jeediyay in feejignaan dheeraad ah la sameeyo si looga hortago halista ka dhalan karta xannuunkaan beerka ku dhaca oo kamid ah cudurada dunida dagaalka adag la gashay si loo ciribtiro.

“Xannuunkaan loo yaqaan Hepatitis B (Cagaarshowga) waxaa sameynay Xog uruurin aan ku ogaanay Dadka laga helay, sanadkii hore 2021/22 waxaa aan baarnay 1,524 qof oo qaarkood noogu yimid in aan baarno iyaga oo raba in ay is guursadaan si ay hubiyaan caafimaadkooda waxaana laga helay 8%, halka sanadkaan bisha ka dhiman ee 2022 aan baarnay 1,121 qof oo aan xannuunka ka helnay 7.3%” Dr. Yuusuf Maxamed Cumar.

Dr. Aadan Jaamac Muuse ayaa xalka keliya looga hortagi karo ku sheegay in la qaato tallaalka kahortagga si jirka qofka uu yeesho difaac, tirada badan ee Dadka laga helay Cagaarshowga (Hepatitis B) ayaa ku sheegay Carruurta.

“Cudurkaan waa mid ku dhaca Beerka waxaa laga yaabaa in uu difaac ka sameysto, Dadka yar ayaa nasiib darro u badan, waxa aan leenahay in la sameeyo wacyigelin, tallaal ayuu leeyahay si aan uga hortagno, haddii uu qofka uu ku dhaco daawadiisa way adag tahay” Dr. Aadan Jaamac Muuse.

Wasaaradda Caafimaadka DG Jubbaland weli kama hadlin faafitaanka Cudurka Cagaarshowga loo yaqaan ee afka qalaad loogu yeero (Hepatitis B), Dhaqaatiirtu waxa ay soo jeediyeen in la sameeyo baaris, tallaalka kahortagga ah oo Dadka la siiyo & xaalad weliba oo looga feejignaan karo faafitaankiisa.