Saturday, August 22, 2026
HomeWararGudahaKhilaaf ka dhex qarxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Serbia

Khilaaf ka dhex qarxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Serbia

Warar cusub oo laga helayo dhinaca diblomaasiyadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ay u yeertay Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, oo Soomaaliya uga wakiil ah Jamhuuriyadda Serbia, isla markaana ah safiirka aan degganayn ee Ukraine.

Danjiraha ayaa xilkan ku matala Soomaaliya isagoo xaruntiisu tahay Belgrade. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sidoo kale xaqiijisay in Maxamed Cabdullaahi Axmed yahay safiirka Soomaaliya ee Ukraine, iyadoo xaruntiisu tahay Belgrade, waxaana November 2025 uu waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

wararka hadda soo baxaya waxay ku saabsan yihiin khilaaf la sheegay inuu ka dhex aloosan yahay safiirka iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta safaaradda, iyo sidoo kale xiriirka uu la leeyahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Sida xogaha la helayo ay sheegayaan, safiirka ayaa lagu eedeeyay inuu si adag uga hor yimid qaar ka mid ah shaqaalaha iyo masuuliyiinta safaaradda, iyadoo ay jiraan dhacdooyin hore oo la sheegay inay dhexmareen isaga iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha diblomaasiyadda.

Waxaa sidoo kale la sheegay in mar uu khilaaf xooggan dhexmaray safiirka iyo xoghaye koowaad oo ka tirsanaa safaaradda, iyadoo wararka qaarkood ay tilmaamayaan in murankaasi uu gaaray heer gacan-ka-hadal ah.

Bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa muujinaya in safaaraddu leedahay dhowr diblomaasi oo ay ka mid yihiin First Counsellor, Counsellor, First Secretary iyo Second Secretary, taasoo muujinaysa in shaqada safaaraddu ku dhisan tahay nidaam iyo kala dambeyn ay wadaagaan masuuliyiin kala duwan.

Mid ka mid ah qodobada ugu culus ee xogaha cusub lagu sheegay ayaa ah in safiirka lagu eedeeyay inuu diiday inuu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Serbia u gudbiyo waraaqaha aqoonsiga ama dukumentiyada la xiriira masuul sare oo ka tirsan safaaradda.

Haddii arrintani si rasmi ah loo xaqiijiyo, waxay noqon kartaa arrin u baahan baaritaan maamul iyo diblomaasiyadeed, maadaama safaaraddu aysan ahayn goob uu hal masuul si gaar ah ugu shaqeeyo, balse ay tahay hay’ad dowladeed oo fulisa siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.

Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed wuxuu dhigayaa in hawlaha rasmiga ah ee safaaradda iyo xiriirka ay la leedahay dowladda dalka martida loo yahay loo maro Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas ama hay’adda kale ee lagu heshiiyey.

Xogta hadda soo baxaysa ayaa sidoo kale sheegaysa in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay safiirka ugu yeertay Muqdisho si arrintan wax looga weydiiyo, balse uu sida wararku sheegayaan ka gaabsaday ama diiday inuu u hoggaansamo amarka.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in safiirku leeyahay maqaam diblomaasiyadeed, balse taasi aysan ka dhignayn inuu ka madax-bannaan yahay dowladdiisa. Heshiiska Vienna wuxuu si cad u sheegayaa in xasaanadda diblomaasiyadeed aysan qofka ka reebayn awoodda sharci ee dowladdiisa u diratay.

Haddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xaqiijiso eedeymaha iyo diidmada amarka, waxaa jiri kara dhowr tallaabo oo dowladdu qaadi karto.

Tallaabada ugu horreysa waxay noqon kartaa in Wasaaraddu sameyso baaritaan rasmi ah oo lagu dhageysto safiirka, shaqaalaha kale ee safaaradda iyo cid kasta oo xog ka hayso dhacdooyinka lagu eedeeyay,Haddii la caddeeyo inuu jiray jebin amar shaqo, ku takri-fal awood ama dhaqan aan waafaqsanayn xeerarka adeegga diblomaasiyadda,

waxaa suuragal ah in la qaado tallaabo maamul oo ku habboon,Haddii dowladdu ku qancdo in safiirku aanu sii wadi karin hawshiisa, waxaa jiri karta in xilkiisa laga soo celiyo ama loo magacaabo meel kale,Marka laga eego dhinaca sharciga diblomaasiyadda caalamiga ah, shaqada wakiil diblomaasiyadeed waxay ku dhammaan kartaa marka dowladda soo dirtay ay dowladda martida loo yahay ogeysiiso in shaqadii wakiilkaasi dhammaatay,

Haddii baaritaan lagu caddeeyo in gacan-ka-hadal uu ka dhacay gudaha safaaradda, arrintu waxay yeelan kartaa dhinac anshaxeed iyo, iyadoo ku xiran meesha iyo xaaladda dhacdadu ka dhacday, dhinac sharci oo dheeraad ah.

Xasaanadda diblomaasiyadeed ma aha fasax qofku ugu dhaqmi karo si aan xad lahayn. Heshiiska Vienna wuxuu dhigaya in dadka leh mudnaanta iyo xasaanadda diblomaasiyadeed ay waajib ku tahay inay ixtiraamaan sharciyada iyo xeerarka dalka martida loo yahay.

Qodobka kale ee hadal-heynta dhaliyay ayaa ah sheegashada ah in safiirku xiriir qoys la leeyahay mid ka mid ah xaasaska Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo lagu xiriirinayo awoodda uu ku diidayo amarrada Wasaaradda.

Dad badan ayaa su’aal ka keeni kara sida qof loo magacaabay inuu Soomaaliya dibadda ku matalo uu haddana ugu adkeysan karo inuu ka hor yimaado Wasaaradda mas’uulka ka ah siyaasadda arrimaha dibadda.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa in arrintu dib u soo nooleyso doodda muddada dheer ka taagnayd Soomaaliya ee ku saabsan in safiirrada lagu saleeyo aqoon, khibrad iyo karti diblomaasiyadeed, halkii magacaabista lagu saleyn lahaa xiriirro siyaasadeed ama qoys.

Dhanka kale, waa muhiim in aan bulshada loo gudbin eedeymo aan la xaqiijin sidii xaqiiqooyin rasmi ah. Safiirka sidoo kale wuxuu xaq u leeyahay inuu helo fursad uu kaga jawaabo dhammaan eedeymaha loo jeedinayo.

Ugu dambeyn, xalka arrintan ma aha in awood siyaasadeed ama xiriir qoys lagu xalliyo; xalku waa in la raaco nidaamka dowladda, la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo gudaha ah, kadibna qof kasta lagu saleeyo isla-xisaabtan iyo sharciga dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe