Isagoo hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Jeneraal Odowaa ayaa sheegay in tirada askarta dowladda ee ku dhimatay dagaalka ay u dhexeyso 10,000 ilaa 15,000, isagoo tilmaamay in haddii shacabka loo sheego tirada saxda ah ay noqon lahayd “mid naxdin leh.”
Hadalkan ayaa si weyn u gilgiley baraha bulshada iyo saxaafadda gudaha, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee sarkaal sare oo dowladda ah uu si cad u muujiyo heerka khasaaraha ciidamada qaranka.
“Haddaan idin sheego tirada dhimashada ciidamada dowladda ee howlgalka ku jiray, waxay idinla noqoneysaa wax lala yaabo…. Shuhadada, Naafada iyo howlgabka waxay u dhaxeeyaan 10’000 ilaa 15,000.” ayuu yiri Taliye Odowaa.
Waxa uu sidoo kale Taliyaha ka dhawaajiyay gaabiska ku yimid howlgaladii ka dhanka ahaa Kooxda Al-shabaab inay keentey inay qabsadaan ama kusoo dhawaadaan degaano badan oo ay gacanta ku haayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.
“Gaabiska yar ee ku yimid howlgalada Argagixisada, waxay isku dayeen in ay soo galan deegaano badan, Miisaaniyada ciidanka kuma jirto dhanka Caafimaadka, runtii arrintaasi aad ayay u liidataa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

