Wednesday, October 29, 2025
HomeWararGudahaItoobiya oo sheegtay inay xaq buuxa u leedahay inay gaadho Badda Cas

Itoobiya oo sheegtay inay xaq buuxa u leedahay inay gaadho Badda Cas

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa soo saaray qoraal rasmi ah oo uu kaga hadlay arrinta Badda Cas, kaas oo lagu sheegay in Itoobiya sharci ahaan, taariikhi ahaan, juqraafi ahaan, iyo dhaqaale ahaanba ay xaq u leedahay inay gaadho Badda Cas.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yidhi: “Markaan isweydiinno cidda go’aamisay in Itoobiya laga xanibo gelitaanka Badda Cas, waxaa cad in hay’adihii sharci ee wakhtigaas jiray aanay arrintaas qayb ka ahayn. Sidaas darteed, waa in la isweydiiyo cidda go’aankan muhiimka ah gaadhay.”

“Itoobiya kuma sii jiri karto go’doon. Fariinteennu waa in Itoobiya marka ay xoogaysato, ay noqon doonto il koboc iyo barwaaqo u horseeda guud ahaan gobolka. Waxaannu raadineynaa koboc la wadaago iyo horumar guud.”

Hadalkani wuxuu muujinayaa sida Itoobiya ay uga go’an tahay inay hesho marin badeed, wuxuuna sii xoojinayaa dooddii muddada dheer taagnayd ee ku saabsan rajada Itoobiya ee ah inay hesho marin badeed.

Taariikh kooban: Raadinta badda ee Itoobiya.

Tan iyo markii ay Itoobiya lumisay marin badeedkeedii kadib gooni isu taaggii Eriteriya sanadkii 1993, dalkaasi wuxuu noqday mid gebi ahaanba aan bad lahayn (landlocked). Taas ayaa ku qasabtay in Itoobiya ay si buuxda ugu tiirsanaato dekedda Jabuuti, oo hadda ah marinka ugu weyn ee ganacsigeeda badda.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Itoobiya mar walba waxay muujiyeen rabitaan ay ku doonayaan in dalkoodu yeesho gelitaan rasmi ah oo badeed, taas oo ay ku sababeeyeen baahi dhaqaale iyo muhiimad istaraatiiji ah.

Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee 2024.

Bishii Janaayo ee 2024, Somaliland iyo Itoobiya waxay ku dhawaaqeen is-faham siyaasadeed, kaas oo Itoobiya siin lahaa marin badeed ay ka hesho xeebaha Somaliland, halka Itoobiya ay Somaliland siin lahayd taageero siyaasadeed ama aqoonsi rasmi ah.

Heshiiskaasi ayaa si weyn u gilgilay siyaasadda gobolka, waxaana si adag uga hor timid Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ku tilmaantay mid sharci-darro ah iyo xadgudub lagula kacay madax-bannaanideeda dhuleed. Doodda Soomaaliya iyo cadaadiska caalamiga ah ayaa sababay in heshiiskaasi hakad galo, inkasta oo labada dhinac aanay si rasmi ah u burin.

Muxuu ka dhigan yahay hadalka maanta kasoo baxay Itoobiya.

Hadalka cusub ee kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu muujinayaa in Addis Ababa ay weli ku raad joogto sidii ay u heli lahayd marin badeed, balse ay doonayso in aan lagu colaysan ama anay cadaadis kula kulmin oo loo fahmo mid horseedaya iskaashi iyo horumar.

Khubarada arrimaha gobolka ayaa sheegaya in Itoobiya ay si tartiib ah u dhiseyso dood sharci iyo taariikheed, taas oo ay ku dooneyso inay ku caddayso xaq ay sheeganayso ee ku saabsan inay qasab tahay inay marin ka hesho Badda Cas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe