Dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijisay in Diyaarad nooca baara nukliyeerka meelaha la dhigi karo oo Dowladda Maraykanka ay leedahay ay ka degtay Garoon Diyaaradeed oo ku dhex yaalla Saldhig Ciidanka Ameerikaanka ah ay ku leeyihiin Gobolka Suffolk ee dhaca Bariga Britain.
Wargayska The Telegraph ayaa Warbixin uu ka qoray sheekadaan waxa uu sheegay in sidaan oo kale diyaaraddaan ay ugu soo degtay Ingiriiska markii Maamulka Donald Trump uu weerarrada ka gaysanayay Dalka Iiraan.
Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xoojiyay Diyaaraddaan WC-135R Contstant Phoenix in sanadkii 2022 ay dalka Ingiriiska ugu degtay waa maalmo kahor inta uusan Ruushka weerarin deriskiisa Ukraine sida lagu sheegay xogtaan lasoo bandhigay.
Khubarro ciidan iyo Suxufiyiin khibraddoodu tahay arrimaha Ciidanka ayaa isku xiray Sheekada Diyaaraddaan iyo dhacdooyinkii hore ee diiwaanka u galay iyaga oo durba muujiyay in uu jiri karo weerar Maraykanka uu ka fulin karo Bariga Dhexe gaar ahaan Iiraan.
Waxaa intaas dheer in ay jiraan warbixinno kale oo qorshaha Maraykanka ee diyaaraddaan u leexinaya dhinaca Jasiiradda uu doonayo Madaxweyne Donald Trump ee Greenland maadaama Washington ay dareemeyso culays uga imaanaya Dalalka Yurub.
Donald Trump ayaa loo arkaa in uu ku cabsi gelinayo Dalalkaas diidan damaciisa sabab la xiriirta in uu kol hore ugu goodiyay in uusan hor istaagi Karin isbahaysi ay samaystaan dalalka diidan in Washington yeelato Jasiiradda Greenland.

