Wednesday, October 29, 2025
HomeWararGudahaImaaraadka oo lagu eedeeyay inuu jebiyay xayiraadda hubka ee kooxaha hubaysan ee...

Imaaraadka oo lagu eedeeyay inuu jebiyay xayiraadda hubka ee kooxaha hubaysan ee Soomaaliya iyo Liibiya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta (UAE) horey u jebiyay xayiraadda hubka ee lagu soo rogay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, kadib markii la ogaaday in qalab miltari oo lagu sameeyay UK oo laga iibiyay Imaaraatka lagu arkay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gacanta u galay kooxaha hubeysan  ee ka hawlgala  Soomaaliya iyo Liibiya.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado ganacsi oo hubka si qarsoodi ah u gudbiya, taas oo marar badan lagu arkay gaadiidka dagaalka nooca Nimr Ajban oo ay soo saartay shirkad Imaaraad ah. Gaadiidkan ayaa la xaqiijiyay in lagu isticmaalay dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cunaqabatayn hub oo Qaramada Midoobay saartay.

Warbixintan cusub, oo ay arkeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale ku eedeysay Imaaraadka inuu hub British ah u gudbiyay kooxda RSF ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda Sudan, taas oo sababtay su’aalo cusub oo ku saabsan doorka Imaaraadka ee dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.

Khabiirada QM ayaa sheegay in tallaabadan Imaaraadku ay halis ku tahay nabadda gobolka, isla markaana ay sii kordhinayso fursadda hubka sharci darrada ah uu ku galo Soomaaliya, halkaas oo weli ay ka jirto xaalad amni darro oo hubka lagu kala iibiyo si fudud.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u diiday eedeymaha, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis lagu saaraya in la joojiyo dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maaddaama ay suurtagal tahay in lagu isticmaalo meelo dagaallo ka socda, sida Sudan iyo Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe