Urur-goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday in in ka badan 3.5 milyan oo qof ay ku barakaceen guud ahaan dalalka xubnaha ka ah xaaladaha cimilada, taas oo hoosta ka xariiqday baahida degdegga ah ee loo qabo in la qaado tallaabo isku xiran oo heer gobol ah si wax looga qabto xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada iyo socdaalka qasabka ah.
Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka iyo Horumarinta Bulshada ee IGAD, saameynta sii kordheysa ee abaaraha, daadadka, iyo dhacdooyinka kale ee cimilada daran waxay sii wadaan inay sii kordhiyaan dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee jira, taasoo horseedaysa barakaca gudaha iyo kan xudduudaha ah ee ka socda dalalka sida Koonfurta Suudaan, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, iyo Uganda.
Tirooyinkan naxdinta leh ayaa lagu falanqeeyay intii lagu guda jiray wada-xaajood siyaasadeed oo ku saabsan isbeddelka cimilada iyo dhaqdhaqaaqa, kaas oo lagu qabtay hal-ku-dhigga “Tallaabada Cimilada ee Bulshooyinka Barakacay ee Gobolka IGAD.” Ergadii madasha ka hadashay ayaa ku nuuxnuuxsaday in isbedelka cimilada uu hadda yahay sababta ugu weyn ee barakaca, isla markaana gobolada qaar ay uga sii dartay xaaladda nololeed ee dadka markii horeba ay xididada u siibeen colaado ama xasilooni darro.
Madasha Qaxoontiga Caalamiga ah ee 2023, IGAD waxay ku biirtay ballan-qaad dhinacyo badan leh oo ku saabsan Wax-qabadka Cimilada, iyadoo ka go’an: In la ilaaliyo bulshooyinka ku barakacay saamaynta cimilada, Xoojinta digniinta ugu horayso iyo hababka jawaab-celinta, Kobcinta adkeysiga iyo dadaallada la qabsiga, iyo
Abaabul maalgelinta cimilada waarta si loo taageero dadka nugul.
Dawladaha xubnaha ka ah waxay soo bandhigeen warbixino ku saabsan ballanqaadyadooda qaran. Koonfurta Suudaan waxay iftiimisay mashaariicda dib-u-soo-kabashada bulshada ee cusub, Itoobiya iyo Kenya waxay soo bandhigeen tamar la cusboonaysiin karo iyo dadaallada wax ka qabashada abaaraha, halka Soomaaliya iyo Uganda ay ka warbixiyeen horumarka laga gaaray qaab-dhismeedka la qabsiga cimilada iyo qaab-dhismeedka maaraynta barakaca.
War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen, wufuuddu waxay ku baaqeen maalgashi ballaaran oo lagu sameeyo hababka digniinta ugu horayso, isku-duwidda gobolka, iyo hab-nololeedyada u adkeysiga cimilada si loo yareeyo khatarta barakaca mustaqbalka.
“Isbeddelka cimiladu maaha oo kaliya caqabad deegaan balse sidoo kale waa dhibaato dhaq-dhaqaaq bani’aadam,” IGAD ayaa tiri. “Jawaabkeena wadajirka ah waa in aan mudnaanta siinaa ilaalinta, ka mid noqoshada, iyo adkeysiga bulshooyinka barakacay.”
Xoghaynta IGAD waxay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo is waafajinta cimiladeeda iyo istiraatiijiyaddeeda socdaalka iyo qaabdhismeedka caalamiga ah, oo ay ku jiraan heshiiskii Paris iyo heshiiska caalamiga ah ee qaxootiga.

