Tuesday, November 18, 2025
HomeWararGudahaHowlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo maalintii sadexaad ka socda gobolka Bakool

Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo maalintii sadexaad ka socda gobolka Bakool

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maalintii sadexaad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ka wada deegaanada hoostaga degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgaladaan ayaa ah kuwa ciidanka xoogga dalka ay ku doonayaan in kooxdu ay kaga saaraan inta u dhaxeysa degmooyinka Xudur iyo Waajid, si ay u xaqiijiyaan amniga wadada dheer ee isku xirta labadaasi degmo.

Ciidamada ayaa Hawlgaladan, si gaar ah ugu beegsanaya fariisimaha kooxdu ay ku leedahay inta u dhaxeysa labadaan degmo, waxaana xusid mudan in howlgaladaan lagu dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in howlgaladaan lagu dilay Sarkaal kooxda u qabailsaba askaraynta caruurta iyo ururinta dagaalyahanada cusub ee ku biiraya maleeshiyada Al-shabaab, kaasoo magaciisa lagu sheegay Cabdi Boorow.

Ugu dambeyntii deegaanadaan u dhaxeeya Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool oo ciidanku howlgalada ka wadaan maalintii sadaxaad ayaa ka mid ah deegaanada ay sida weyn

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe