Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay howlgal qorsheysan oo lagu dilay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed.
Shaqsigan ayaa horay maxkamada ciidamada qalabka sida ay ugu xukuntay dil toogasho ah.
Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Mubaax ee gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijisay dowladda Soomaaliya. Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in ninkaan uu ahaa shaqsi si weyn uga dhex muuqday Al-Shabaab, isagoo lala xiriiriyay weeraro kala duwan oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
Ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid adag uu u dhacay sidii loogu talagalay, inkastoo aan faah faahin gaar ah laga bixin. Hawlgalkan lagu guuleystay ayaa hoosta ka xarriiqaya dadaallada socda ee ay mas’uuliyiinta Soomaaliya kula dagaallamayaan kooxda argagixisada ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la doonaayo in lagu burburiyo shabakadahooda, islamarkaana la dhimo saameynta ay ku leeyihiin gobolka. Tani waxay calaamad u tahay tallaabo kale oo loo qaaday ololaha ballaaran ee ka dhanka ah argagixisada ee Soomaaliya.