Thursday, November 20, 2025
HomeWararGudahaHowlgal lagu dilay Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka...

Howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay howgal Xalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Buula madiina oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysna ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku dileen sadex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Buula madiino.

Ciidamada ayaa sidoo kale howlgalkaan ku soo furtay dad shacab ah oo la tilmaamay in kooxda afduub ahaan ugu heysteen deegaankaas, kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumar.

“Intii uu howlgalka socday, Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay dib ugu soo celiyaan xorriyadooda 30 qof oo ay ku jiraan laba dumar ah, kuwaas oo argagixisadu ay ku haysteen afduub” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ciidanka xoogga dalka  howlgalaan ay ku burburiyeen xabsi iyo maxkamad beenaad ay kooxdu ku laheyd deegaanka Buula madiino oo ay dadka shacabka ah uga wici jirtay kooxdu.

Ugu dambeyntii Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegau in howlgalkaan uu qeyb ka yahay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee lagu doonayo in kooxda looga ciribtiro guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe