Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo Xalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen agagaarka deegaanka Moora gaabeey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa la sheegay in howlgalka lagu dilay sadax ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay howlgalka in ka badan 10 xubnood kale.
“Howlgalka oo si xeeladeysan loo abaabulay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan saddex dhagarqabe, halka in ka badan toban xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta lagu dhaawacay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Fedaraalka.
Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamada ay howlgalka kusoo furteen hub iyo saanad oo ay isticmaalayeen maleeshiyaadka.
Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan ayaa sidoo kale xusay in howlgalkaan uu qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ugu jirto iney dalka kaga ciribtirto maleeshiyaadka Al-shabaab.

