Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Hishabeelle ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay amniga iyo arrimaha binu aadanimo ee ka taagan deegaannada Maamulkaasi.
War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in 1.5 Milyan oo ruux ay wajahayaan abaarta daran ee ka jirta deegaannadaasi.
“Abaar daran ayaa dalka ku dhufatay, aan u soo jeesano gurmadka dadkeenna oo wajahayo daruuf nololeed oo aad u adag.” Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.
Dhinaca kale, Golaha ayaa ku baaqay in howlgallada ka socda nawaaxiga degmada Xawaadleey ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo ku baaqay in la sii dardar galiyo.

