Sunday, October 26, 2025
HomeWararGudahaHay’adaha ammaanka DFS oo gacanta ku dhigay Kooxo Dad ku dhacay Magaalada...

Hay’adaha ammaanka DFS oo gacanta ku dhigay Kooxo Dad ku dhacay Magaalada Muqdisho

Laamaha amaanka dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay kooxo hubeysan oo dhac u geysan jiray dadka shacabka ah xili howlgalo adag ay ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Laamaha ammaanka ayaa tilmaamay in howlgalkan uu muujinayo dadaallada ay dowladdu waddo ee lagu xoojinayo ammaanka caasimadda Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasi oo gacanta ku soo dhigay dhowr qof oo lala xiriirinayo falalka dhaca.

Eedeysanayaasha qaarkood ayaa la sheegay inay hubeysnaayeen, waxaana sidoo kale la soo qabtay Alaab ay dhaceen oo la soo bandhigay kadib markii la soo qabtay. Tallaabadan degdegga ah waxay ujeeddadeedu tahay in la dejiyo dadweynaha lagana hortago falal dembiyeedyo kale.

Digniin Culus ayaa Taliska Booliska G/Banaadir waxa uu fariin cad u diray kooxaha dhac ka geysta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Laamaha amaanka ayaa wacad ku maray in ay sii xoojin doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcada ah, taasi oo muujineysa in cidii lagu qabto ay wajihi doonaan sharciga iyo cawaaqib xumada ka dhalata dambiyada ay geystaan. Ballanqaadkani wuxuu ka tarjumayaa go’aanka dowladda ee ah soo celinta sharciga iyo kala dambeynta.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kordhisay ahmiyadda ay siineyso tallaabooyinka amniga, gaar ahaan wax ka qabashada heerka dambiyada ee sii kordhaya.

Waxqabadyada muhiimka ah waxaa ka mid ah in sare loo qaado hubinta ammaanka gaadiidka iyo shaqsiyaadka magaalada oo dhan. Sidoo kale, isbaarooyin ayaa laga sameeyay xaafado kala duwan si loo sameeyo baaritaanno dhab ah, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka deegaanka.

Dadaaladan ayaa la sheegay inay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka horumarinta guud ahaan amniga magaalada Muqdisho.

Maaddaama ay dawladdu sii waddo fulinta tallaabooyin adag, dadka deegaanka waxaa lagu dhiirigelinayaa inay si dhow ula shaqeeyaan sharci fulinta oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay ka shakiyaan.

Laamaha ammaanka ayaa tilmaamay in la dagaalanka dambiyada ay tahay masuuliyad wadareed, waxayna shacabka ka codsadeen in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, maadaama ay ka go’an tahay maamulku in magaalada ay noqoto mid ammaan ah oo cid walba ay ku sugan tahay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe