Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Moses M. Wetang’ula.
Intii kulanku socday, Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ayaa ugu hambalyeeyay Madoobe doorashadii uu ku noqday Guddoomiyaha Guddoomiyaasha Baarlamaanada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EALA Speakers Forum).
Sidoo kale waxa uu bogaadiyey doorashada xubnaha Soomaaliya ee EALA iyo kaalinta muuqata ee Soomaaliya ka qaadaneyso hawlaha ururka.
Dhankiisa, Guddoomiye Madoobe ayaa uga tacsiyeeyay dhigiisa geerida ra’iisulwasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, isagoona uga mahadceliyey sida wanaagsan ee Kenya uga shaqeyso xoojinta xiriirka labada dal. Waxaa kale oo uu ku casuumay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya in uu ka soo qeyb galo shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Ururka Bulshada Bariga Afrika, oo Soomaaliya ay martigelin doonto bisha May ee sanadka 2026.
Labada guddoomiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhismaha guddiga saaxiibtinimada baarlamaanada labada dal, isdhaafsiga khibradaha xildhibaanada, iyo guud ahaan xoojinta wada shaqeynta labada gole.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yuusuf Xasan Isaaq.

