Thursday, November 20, 2025
HomeWararGudahaGolaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Shuruuc iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Shuruuc iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo kulanka lagu meel mariyey shuruuc, istaraatiijiyado iyo heshiisyo muhiim ah.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah bulshada, gaar ahaan xuquuqda haweenka, iskaashiga caalamiga ah iyo ka jawaabidda xaaladda abaarta.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey dhowr qodob oo miisaan culus leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Heshiis Is-afgarad oo dhex maray Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo xoojinaya iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga (FGM), oo ah tallaabo ay dowladda ku dhawaaqday inay si cad ugu hortagayso FGM, isla markaana kor loogu qaadayo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.

Golaha ayaa sidoo kale meel mariyay Istaratiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, oo qayb ka ah siyaasadda Xukuumadda Soomaaliya ee lagu xoojinayo ka qeybgalka haweenka ee hannaanka nabadda iyo dhismaha amniga, Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura, si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka ka faa’iideysta cilmi-baarista iyo adeegyada dayax-gacmeedyada iyo sidoo kale Istaratiijiyadda Qaranka ee Dekedaha, oo kor u qaadaysa qorsheynta iyo hormarinta kaabeyaasha ganacsiga badda.

Intii uu socday kulanka, waxaa golaha lagu soo bandhigay warbixino la xiriira amniga dalka, Shirweynihii Bahda Caddaaladda, iyo xaaladda abaarta oo wali si ba’an u saameyneysa qaybo badan oo dalka ka mid ah.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in in ka badan 4.4 milyan oo qof ay hadda u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, isagoo tilmaamay in dadaallada gurmadka ay socdaan balse loo baahan yahay dardargelin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrimaha gurmadka in ay si deg-deg ah u kordhiyaan jawaabaha, lana gaarsiiyo dadweynaha ku dhibaataysan abaaraha adeegyo bini’aadantinimo oo degdeg ah.

Dhinaca kale, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Maxamed Osman Nastaro, ayaa sheegay in ansixinta hindisaha sharci ee mamnuucidda FGM iyo istaraatiijiyadda haweenka ay yihiin guul muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, Wuxuu sheegay in tallaabadani ay muujineyso sida dowladda uga go’an tahay difaaca xuquuqda haweenka iyo ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah.

Wasiiru Dowlaha ayaa uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada iyo dhammaan hay’adaha ku hawlan shaqadan muhiimka ah, isagoo ku tilmaamay guusha maanta mid horseedi doonta mustaqbal ka fiican haweenka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe