Wednesday, October 8, 2025
HomeWararGudahaGolaha Qaramada Midoobay oo go’aamin doona madax-bannaanida xuquuqul insaanka ee Soomaaliya

Golaha Qaramada Midoobay oo go’aamin doona madax-bannaanida xuquuqul insaanka ee Soomaaliya

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta lagu wadaa in ay u codeeyaan qaraar u ogolaanaya dowladda federaalka Soomaaliya in ay la wareegto maamulka madaxa banaan ee waajibaadka qaran ee ka saaran xuquuqul insaanka, iyadoo mas’uuliyaddaasi ay dusha kala socotay Qaramada Midoobay.

Kalfadhiga 60-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka oo la sheegay in maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay dadaal badan u gashay sidii ay dib ugu hanan lahayd arrimaha xuquuqul insaanka.

Dawladdu waxay si firfircoon ugu hawlanayd wada-hadallo ay la yeelanayso dawladaha xubnaha ka ah Golaha Xuquuqul Insaanka si ay taageero ballaadhan ugu hesho kala-guurka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo adeegsanaysa Wasiirkeeda Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, ayaa kulamo wadatashi ah la qaadatay wadamo kala duwan, iyadoo taageero xooggan ka heshay dalal badan oo ka tirsan Qaramada Midoobay. Taageeradaan ayaa ah mid muhiim ah iyadoo Soomaaliya ay raadineyso inay sameysato hab madax-bannaan oo lagu maamulo xuquuqda aadanaha.

Hadda, Soomaaliya waxa ay dhistay 11 hay’adood oo diiradda saaraya arrimaha xuquuqul insaanka gudaha dalka. Sidoo kale, Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraar ku saabsan magacaabista Khabiirka Madaxbanaan ee Xaalada Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, isagoo sii xoojinaya sida ay uga go’an tahay horumarinta ku dhaqanka xuquuqul insaanka.

Isbadaladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya waxaa ka mid ah qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd mudada dheer, deyn cafinta iyo in la helo xubin ka tirsan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay iyo guulo kale. Talaabooyinkani waxay ka tarjumayaan horumarka iyo go’aan qaadashada dalka ee lagu wanaajinayo muuqaalkiisa xuquuqul insaanka iyo dawladnimada

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe