Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Nin ku eedeysan in uu dil bareer ah u gaystay Ganacsade Deeq Cabdi Jaamac oo dhanka kale kamid ahaa Dhallinyarada Degmada Guriceel.
Booliiska ayaa ku guulaystay soo qabashada ninkaas dilka ku eedeysan iyo qori noociisu yahay AK47 oo uu watay una adeegsaday dilka Marxuum Deeq Cabdi Jaamac sida lagu sheegay war kasoo baxay taliskaas.
Guddoomiye ku xigeenka Degmada Guriceel Shaafici Jaamac Cabdi, Taliyaha Booliiska Saldhigga Degmadaas iyo mas’uuliyiin kale oo si wadajir ah uga hadlay arrintaan ayaa digniin u diray Dadka ku howlan falalka la xiriira aanooyinka.
Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa la dagaalamaysa dagaallada beelaha iyo dilalka aanooyinka ee inta badan ka dhaca magaalooyinka ka baxsan tuulooyinka dagaalladu ka dhaceen, waxaana socda howlgallo ka dhan ah kooxahaas.

