Sunday, April 5, 2026
HomeWararGalmudug: Isu socodka Gaadiidka oo u joogsaday Dagaal beeleedyada & Afduubka Dadka!

Galmudug: Isu socodka Gaadiidka oo u joogsaday Dagaal beeleedyada & Afduubka Dadka!

waxaa joogsaday isu socodka Gaadiidka Degmooyin katirsan Gobollada Galgaduud & Mudug sabab la xiriirta cabsi ka dhalatay Dagaal Beeleedyo, Afduub & Jidgooyooyin ay dhigteen maleeshiyaad hubeysan.

Dadka ayaa ka cabsi qaba afduub todobaadyadii lasoo dhaafay kusoo kordhay Deegaannada maamulkaas oo marka lacag madax furasho ah laga qaato dib xorriyadooda loo siiyo, meelaha qaar waxaa ku kordhay dilalka aanooyinka la xiriira & isku dhacyada Beelaha.

Wasaaradda Amniga DG Galmudug oo dhawaan sheegtay in ay gacan adag ku qabaneyso dhibaatooyinka cusub ee soo kordhay ayaa dadka ku howlan arrintaan uga digtay in ay ku dhiiradaan, waxaana ay sheegtay in cadaaladda la horgeynayo qofkii lagu soo qabto falalkaan.

Guriceel & Xeraale waxaa ku xayiran Gawaari labada dhinac isaga kala gudbi rabtay, qaarkood ayaa dib ugu laabtay Degmada ay ka tageen kadib markii lagu wargeliyay in wadada dhexe ay joogto maleeshiyo hubeysan.

Gawaaridaan ayaa badeecado kala duwan u kala wada labada Magaalo, balse waxa ay awoodi waayeen in si nabadgalyo ah u galaan safarkooda sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo la hadlay.

Sababta ugu weyn ee baaqashada dadkaan joogtada isaga kala gudbo Degmooyinka Galgaduud & qaybo kamid ah Koofurta Mudug ayaa ah in ay naftooda uga baqayaan maleeshiyo hubeysan oo hab beel ahaan u abaabulan oo Shaqsiyaadka bartilmaameedsanaya.

Hay’adaha amniga DG Galmudug ayaa looga fadhigaa in ay jawaab ka bixiyaan sidii wax looga qaban lahaa cabashada Gaadiidleyda, welwelka dadka rakaabka ah ee raaca & ciribtirka maleeshiyaadka hubeysan.

QORAALADA LA XIRIIRA

236 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe