Monday, November 10, 2025
HomeWararGudahaFaransiiska oo Muwaadiniintiisa cabsi darteed ugala baxaya Dalka Mali

Faransiiska oo Muwaadiniintiisa cabsi darteed ugala baxaya Dalka Mali

Dowladda Faransiiska ayaa war ay soosaartay waxa ay muwadiinteeda ugu baaqday in si degdeg ah uga baxaan Dalkaas kaddib markii Xukuumadda Paris ay cabsi ka muujisay suuragalnimada in Kooxaha Islaamiyiinta ah ay qabsan karaan Dalkaas.

Faransiiska ayaa muwaadiniintiisa ku sugan Dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ugu baaqay in ay si degdeg ah isaga baxaan maadaama ay kordheen xogaha muujinaya in kooxda ku xiran Al-Qaacida ay qabsan karto waddankaas sida hadalka loo dhigay.

Afgambigii ka dhacay Dalal dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika waxa uu soo afjaray soojitaanka Ciidanka reer Galbeedka gaar ahaan kuwa Faransiiska, marar badan waxa ay faafiyeen warar welwel geliyay bulshada Dalkaas inkasta oo markii dambe la beeniyay.

Ma jiro war kasoo baxay Xukuumadda Bamako oo ay uga falcelisay cabsida Faransiiska uu ka muujinayo in kooxaha hubaysan ee Al-Qaacida ku xiran ay qabsan karaan isla markaana caasimadda Mali ay xitaa go’doon geliyeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe