Tuesday, October 28, 2025
HomeWararGudahaFaahfaahino kasoo baxaya dagaal Xalay ka dhacay degmada Kaxda magaalada Muqdisho

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal Xalay ka dhacay degmada Kaxda magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Xalay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda ku leeyihiin degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay  kontoroolka lagu magacaabo Buurta Cali Janaale oo ah mid ka mid ah kontoroolada laga ilaaliyo amniga Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal xoogan oo mudo ku dhaw 30 daqiiqo socday.

Kooxda ayaa weerarkeeda ku bilaawday baasukeyaal, kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool oo lasoo warinayo inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaartay labada dhinac, hayeeshee anan la ogeyn inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Kontoroolka la weeraray waxaa deganaa ciidanka Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo ciidanka Polizia Militare kala shaqeeya amniga kontoroolada laga soo galo magaalada Muqdisho.

War koobaan oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Haramcad ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay fashiliyeen hoobiyeyaal ay Shabaabku doonayeen inay kusoo tuuraan gudaha magaalada.

“Hawlgalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qabuuraha Kaxda iyo deegaanka Maracadde oo koonfur kaga beegan Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska Haramcad.

Warka kasoo baxay Haramcad Laguma sheegin cid wax ku noqotay weerarka Xalay ka dhacay degmadaasi, gaar ahaan kontoroolka Buurta Cali Janaale, halkaas oo marar kala duwan horay weeraro uga geysteen kooxda Al-shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe