Thursday, November 20, 2025
HomeWararDibaddaFaafaahin:israsaaseyn ka dhacday magaalada Baledweyne.

Faafaahin:israsaaseyn ka dhacday magaalada Baledweyne.

Taliyaha ciidanka Nabadsugida magaalada Baledweyne Kabtan Aweys Maxamed Cali ayaa ku dhawacmay shaqaaqo ka dhacday Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne. Shaqaaqada uu ku dhaawacmay taliyaha waxa sidoo kale ku geeriyooday askari ka mid ahaa ilaaladiisa oo ka tirsana ciidanka NISA.

Dhacdadaan ayaa timid kadib markii uu rasaas ku furay taliyaha iyo askar la socotay qof ka mid dadka deegaanka oo la sheegay in ciidanka ay doonayaan iney soo Xiraan.

Ninkan geystay dilka askariga iyo dhaawaca taliyaha Nabadsugida Baledweyne ayaa la soo wariyay inuu isaga baxsaday goobta, waxaana dhaawaca taliyaha la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in halka ay shaqaaqada ka dhacday ay buux dhaafiyeen ciidamada Nabadsugida oo doonaya iney gacanta kusoo dhigaan nin la sheegay inuu ka dambeeyay falka lagu dhaawacay Taliyaha laguna dilay askariga Kale.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe