Ugu yaraan lix ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee la socday diyaaraddaan ayaa haatan waxaa gacanta ku haya kooxda Alshabaab.
Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ku degtay meel u dhow deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud cilad farsamo awgeed, sida lagu sheegay qoraalka Qaramada Midoobay oo ay aragtay warbaahinta Aljazeera.
Sida ku cad qoraalka, diyaaradda waxaa saarnaa sagaal rakaab ah oo ay ku jiraan shaqaale militari iyo qandaraasle.
Lix ka mid ah ayaa la sheegay in kooxda Alshabaab ay kaxeysteen halka 2 qof oo rakaab ah ay baxsadeen welina ay maqan yihiin.
Dhammaan duullimaadyadii Qaramada Midoobay ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyay ilaa amar dambe.
Dhalashada dadka la socday diyaaradda, ayaan weli caddayn. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin wararkaasi.

