Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqaynta uu Maraykanku ka fuliyay halkaasi ay ka mid tahay kuwii ugu xoogga badnaa ee lagu beegsado buuraha Calmiskaad tan iyo bilowgii howlgallada ka dhanka ah Daacish. Tallaabadan ayaa timid kadib markii ciidamada Puntland loo fasaxay in ay qaadaan weerar toos ah oo dhanka dhulka ah.
Xaaladda Ceelka Baarakalaah ayaa weli kacsan, waxaana laga soo sheegaya dagaal culus oo socda, inkastoo aan weli la helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha labada dhinac kala gaaray.
Dhanka kale, ururka Daacish ayaa dhawaan sheegay in ciidamada Puntland ay lix jeer isku dayeen inay soo galaan ceelka Baarakalaah, balse ay iska difaaceen una geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Sidoo kale, habeenno ka hor ayay koox ka tirsan Daacish weerar ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada Puntland, halkaas oo ay ku dileen afar askari, iyaguna looga dilay qaar kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday.
Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay qorsheyneyso inay laba todobaad gudahood ku dhowaaqdo in lasoo afjaray dagaalka ka socda buuraha Calmiskaad. Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Bari ayaa xalay uga digay maamulka Puntland in aan lagu degdegin sheegista guusha, maaddaama sida ay sheegeen kooxda Daacish aan weli gebi ahaan laga sifeyn Calmiskaad.

