Tuesday, February 3, 2026
HomeWararGudahaDukumentiyada Jeffrey Epstein oo lagu falanqeeyay aqoonsiga iyo maalgashiga Somaliland

Dukumentiyada Jeffrey Epstein oo lagu falanqeeyay aqoonsiga iyo maalgashiga Somaliland

Dukumentiyada ay sii daysay Waaxda Caddaaladda Maraykanka ayaa muujinaya in shabakaddii ganacsi iyo xidhiidh ee maalqabeenkii geeriyooday ee Jeffrey Epstein ay si gaar ah u falanqeeyeen fursado dhaqaale iyo arrimo siyaasadeed oo la xidhiidha Somaliland, gaar ahaan muhiimadda istaraatiijiyadeed ee ay ku leedahay Geeska Afrika.

Dukumentiyadan, oo ka mid ah malaayiin bog oo dhawaan la shaaciyay, ayaa ka kooban email-lo iyo qoraallo sida xog la qarinayay in ka badan tobanaan sano, kuwaas oo iftiiminaya qorshayaal la xidhiidha dhoofinta biyaha, sahminta shidaalka, wax-soo-saarka warbaahinta iyo arrimo la xidhiidha aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland.

Mid ka mid ah email-lada oo la diray sanadkii 2012 ayaa tilmaamaya kayd biyo nadiif ah oo ballaadhan oo ku dhow dekedda Berbera, iyada oo la soo jeediyay in shirkad biyo dhoofisa ay si degdeg ah uga hawl-geli karto halkaas, isla markaana biyaha u dhoofin karto dalalka Khaliijka sida Sacuudiga Carabiya.

Email kale oo isla sanadkaas la diray ayaa soo jeediyay in Somaliland laga hirgeliyo xarun filimaan iyo warbaahin ah oo loogu magac daray “Somaliwood Studios”, taas oo lagu sheegay in ay soo jiidan karto kooxo kala duwan, isla markaana noqoto goob ku habboon filimada qoysasku daawadaan iyo barnaamijyada dhaqanka ku salaysan.

Sidoo kale, waraaqo la is dhaafsaday sanadkii 2013 ayaa ka hadlayay qorshe lagu doonayay in lagu helo maalgelin ku dhow 50 milyan oo dollar si loogu sameeyo sahamin shidaal saddex aag oo waaweyn oo ka tirsan Somaliland, iyada oo rajada saliidda lagu tilmaamay mid wanaagsan.

Dukumentiyada ayaa sidoo kale xambaarsan is-dhaafsi email oo dhacay 2018, kaas oo uu maamulaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem, la wadaagay Jeffrey Epstein fayl la xidhiidha taariikhda iyo suurtogalnimada aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland, taas oo muujinaysa in arrintan si xeel dheer looga doodayay.

Jeffrey Epstein oo faylashiisa dhawaan la siidaayay ayaa ahaa nin maal qabeen ah oo ka ganacsada galmada caruurta, iyo hablaha yaryar, isaga oo xidhiidho la lahaa qaar badan oo kamid ah maal qabeenada iyo madaxda caalamka, oo qaar kood kula lug lahaa dambiyada uu samayn jiray.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe