Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysay Booliiska Caalamiga ah ee Interpol, ayaa ku guuleysatay in magaalada Muqdisho ay kasoo dajiso eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud, oo ahaa agaasimihii hore ee Isbitaalka Qardho, kaasoo ku eedeysan falal kufsi.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in baaris lagu sameeyay eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud lagu ogaaday inuu ku lug leeyahay falal kufsi, duubis iyo baahinta muuqaallo anshax-xumo ah oo ka dhacay magaalada Qardho.
Xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ayaa intaas ku daray in eedeysanaha sida ugu dhakhsaha badan loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si uu cadaaladda u wajaho.
Dowladda Soomaaliya ayaa u mahad celisay dowladda Rwanda iyo Booliiska Interpo, kuwaasl oo kaalin weyn ka geystay soo qabashada eedaysanaha iyo u soo gacan gelinta Soomaaliya eedeysanaha.
Eedeysanaha oo fal dambiyeedkan ka geystay gudaha Puntland, lama oga in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wareejin doonto hay’adaha garsoorka ee maamulka Puntland.
Eedeysane kale oo kiiskaan ku lug leh ayaa haatan ku xiran magaalada Garowe, kaas oo lala sugayay soo qabashada eedeysanha koowaad oo muddo baxsad ku ahaa dalka dibaddiisa.

