Monday, October 27, 2025
HomeWararDibaddaDooxa oo shaacisay in maanta oo Isniin ah ay dib u howlgalayaan...

Dooxa oo shaacisay in maanta oo Isniin ah ay dib u howlgalayaan Safaaradaha Qatar & Imaaraadka

Dowladaha Qatar iyo Imaaraatka Carabta ayaa maanta oo isniin ah dib loo furay safaaradahooda si ay u sii shaqeeyaan kadib markii labada dal ee Khaliijka ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar.

Dib u soo celinta xiriirka ayaa ku soo beegmaya iyada oo gobolka uu wado dadaallo ballaaran oo dib u heshiisiin ah iyo in ka badan laba sano ka dib markii dalalka Carabta ay soo afjareen qaadacaaddii Doha ee burburisay isbaheysiga Khaliijka Carabta ee xulafada la ahaa reer galbeedka.

Wasaaradda Qatar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in labada wasiir ee arrimaha dibadda, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sheikh Abdullah bin Zayed, ay ku wada hadleen khadka taleefanka, iyada oo labada safaaradoodba dib loo furay Isniintii.

Abu Dhabi iyo Doha ayaa sanado badan ku xirnaa loolan adag oo ku saabsan saameynta gobolka, doorka Islaamka ee siyaasadda iyo taageerada dhaqdhaqaaqyada dimoqraadiyadda ee Bariga Dhexe.

Sannadkii 2017-kii, Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa gabi ahaanba xiriirka u jaray dowladda Qatar, kaddib markii lagu eedeeyay in ay taageerto waxa loogu yeero argagixisada, xilli ay xiriir dhow la sameysatay Iran, wallow dowladda Qatar ay diiday dhammaan eedayamaha loo jeediyay.

Boqortooyada Sacuudiga iyo Dowladda Masar ayaa noqday dalalkii ugu horreeyay ee dib u soo magacaaba safiiro Doha sanadka 2021 ka dib markii Sacuudigu uu bilaabay heshiis uu hor kacayo kaas oo lagu soo afjarayo colaadda, halka Bahrain aysan weli dib u furin safaaradeeda Doha.

Dib u soo celinta xiriirka ayaa sidoo kale timid kadib markii Iran iyo Sacuudiga ay ku heshiiyeen in ay dib u soo ceshadaan xiriirkooda sanado badan ka dib, taas oo halis galisay xasilooni darada Khaliijka, hurisay dagaalka Yemen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe