Komishanka Doorashooyinka Somaliland (KDQ) ayaa si rasmi ah u shaaciyay in aanay suuragal ahayn in doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka lagu qabto waqtigii loo asteeyay ee 31-ka May 2026, kaddib qiimeyn ballaadhan oo lagu sameeyay xaaladda guud ee doorashooyinka.
War-saxaafadeed ka soo baxay koomiishanka ayaa lagu sheegay in sababo la xidhiidha abaaro baahsan oo saameeyay gobollada Somaliland, arrimo nabadgelyo oo ka taagan qaybo ka mid ah Somaliland, iyo kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo saameeyay hanaanka doorashooyinka, ay adkaatay in la helo jawi ku habboon qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah.
Komishanku wuxuu xusay in, isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo awoodaha uu siinayo Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha (Xeer Lr. 91/2023), uu go’aamiyay in la qaato muddo kordhin gaar ah si loo xaqiijiyo in dhammaan shuruudaha sharci, farsamo iyo amni la buuxiyo.
Koomiishanka ayaa go’aamisay in doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee ku beegnaa 31-ka May 2026 aan lagu qaban karin waqtigaas, isla markaana ay jiri doonto muddo kordhin dhan toban (10) bilood oo ka bilaabmaysa taariikhdaas.
Inta lagu jiro muddada la kordhiyay, Komishanku wuxuu ballanqaaday:
Dhamaystirka arrimaha farsamo ee la xidhiidha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, diyaarinta qalabka iyo habraacyada doorashada.
Xoojinta diyaarinta iyo hirgelinta dhammaan hawlaha lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorasho waafaqsan Dastuurka Somaliland, xeerarka iyo halbeegyada caalamiga ah.
Ugu dambayn, koomiishanka ayaa caddeysay in go’aankani uu ku saleysan yahay ilaalinta qiimaha sharciyadda, daahfurnaanta iyo mas’uuliyadda, si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka iyo sii xoojinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.


