Diyaaradda Ethiopia Airlines ayaa u hoggaansantay amar ka soo baxay Somaliland oo ahaa inaan dadka ku socda Hargeysa la weydiin nidaamka eVisa ee ay soo rogtay dowlada Soomaaliya waxayna meesha ka saartay shuruudaas.
Haddii aad raacdo diyaarada Itoobiya oo aad ku socoto Hargeysa, ma jirto cid ku weydiinayaa eVisa.
Dhanka kale Somaliland ayaa 15 maalin u qabatay shirkadda Fly Dubai inay ku joojiso in dadka soo maraya Dubai iyo Shaariqa ee ku socda Hargeysa, lagu xiro dal ku galka Soomaaliya maadama oo qofka ku socda Somaliland uu dal ku galka ka heli karo garoomada Hargeysa & Berbera.
Somaliland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay inay soo qorshaysay dagaal cusub oo salka ku haya maamulka hawada iyo socdaalka diyaaradaha, kaasoo la doonayo in lagu cunaqabateeyo shacabka Maamulkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan hirgelisay nidaam la magac baxay dal-ku-galka danabaysan, kaasoo dadka Somaliland u safraya ku qasbaya inay dal-ku-gal ka dalbadaan hay’adda hawada Soomaaliya iyagoo adeegsanaya mareeg internet ah.
Arrintani waxay caqabad ku noqotay shacabka Somaliland, maadaama xukuumadda Somaliland ay si cad u diidan tahay nidaamkaas.

