Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyootay illaa 21 kalana way ku dhaawacmeen dagaal toddobaadkii lasoo dhaafay ka qarxay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dagaalka oo bilawday Talaadadii ayaa ka dhacay tuulooyin duleedka degmada Diinsoor ku yaalla, hase yeeshee saraakiisha amaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka labada dhinac ay dagaalka ku soo fidiyeen degmada Diinsoor.
Taliyaha Ciidanka Booliska Militariga Soomaaliya Maxamed Aadan Nuur ayaa sheegay in maleeshiyaad beeleedyada ku dagaalamaya tuulooyinka Gurbaan, Yaaq Baraawe iyo Raaxoole ay billaabeen inay gudaha magaalada soo galaan.
“Ayaamahan dagaallo qabiil ayaa ka socda Diinsoor, kaasoo u dhexeeya maleeshiyo beelo deegaanka ah. Waxaan maqlaynaa in hub laga keenay dhanka dhulka ay haystaan Al-Shabaab lasoo galiyay magaalada,” ayuu yiri Maxamed Aadan Nuur.
SABABTA KEENTAY DAGAALKA?
Sida dadka xog ogaalka ay sheegeen, dagaalka ayaa u dhexeeya qabiilada Geeledle iyo Dabarre oo wada dega Diinsoor.

Diinsoor ayaa ka mid ah deegaanada ay horey u go’doomiyeen Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidanka Itoobiya iyo ciidan ka tirsan militariga Dowladda Soomaaliya.
Dagaalkan ayaa ka bilawday ka dib markii maleeshiyo beeleed ay kufsi u geysteen haweeney ka dibna ay ku dhaaweceen middi duleedka Diinsoor. Falkan ayaa sababay in maleeshiyo kale oo ka careysan dhacdada koowaad ay weeraraan labo haween ah oo ay iyaguna kufsi u geysteen.
Rabshadda ka dhanka ah haweenka, oo aan iyagu hubeysneyn, ayaa aad ugu sii kordheysa gudaha Soomaaliya, waxaana soo laa laabtay malleeshiyaadka hubeysan ee beegsanaya haweenka.
Maamulka Koonfur Galbeed weli kama hadlin dagaalka.
Hase ahaatee xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo kasoo saaray baaq lagu dalbanaayo in colaadda la joojiyo.
“Idinkoo Alle ka xishoonaaya, oo ummadda ka xishoonaaya, colaadda joojiya,” ayuu yiri xildhibaan Xasan Carte oo ka tirsan Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada ayaa maleeshiyo beeleedyada xusuusiyay in beelaha wada dega Diinsoor aysan kala guuri karin, oo ay isku qasban yihiin inay deris ahaadaan, iyaga oo nabad ah.
Inkastoo baaqyo noocan ah ay socdaan, haddana weli ma jirto tallaabo muuqata oo wax looga qabanayo maleeshiyaadka hubeysan ee dagaallamaya, iyo dhibaatada ay wajahayaan dadka rayidka oo ay haweenka iyo carruurta ugu horreeyaan.

