Xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ayaa xalay mar kale aad u kacsaneyd, kaddib markii gudaha magaalada laga maqlay dhawaqyo jug culus oo loo maleynayo inay ahaayeen hoobiyaal, iyo rasaas laga maqlayay qeybo kala duwan oo magaalada ah.
Dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta ayaa ku soo beegmay xilli Baydhabo ay weli kasoo kabaneyso dagaalladii culuslaa ee dhacay maalmo ka hor, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac ku yimid qaar ka mid ah dadka magaalada.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in hoobiyaal dhowr ah ay ku soo dhaceen aagga Madaxtooyada Koonfur Galbeed, xilli halkaasi ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.
Mid ka mid ah wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Aadan Madoobe, oo fiidkii hore ku sugnaa xarunta Madaxtooyada, ayaa sheegay in hoobiyaal ay ku soo dhaceen agagaarka xarunta.
Dhawaqa madaafiicda ayaa sababay cabsi xooggan, waxaana la sheegay in mas’uuliyiin iyo dad kale oo ku sugnaa xarunta ay kala carareen, iyagoo raadinaya meelo ammaan ah.
tirada saxda ah ee hoobiyaasha dhacay, goobaha ay ku dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay weli si madax-bannaan looma xaqiijin.
Marka laga soo tago madaafiicda, waxaa sidoo kale la sheegay in rasaas laga maqlayay gudaha magaalada Baydhabo, taasoo sii kordhisay walaaca shacabka.
Dad badan ayaa ku sugnaa guryahooda, waxaana la sheegay in waddooyinka magaalada ay noqdeen kuwo aad u cidloobay, iyadoo shacabka ay ka cabsi qabaan in dagaal cusub uu si buuxda uga qarxo magaalada.
Dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ayaa si weyn hoos ugu dhacay, waxaana qeybo badan oo Baydhabo ah laga dareemayay xaalad aan caadi ahayn.
Wararka qaar ee laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed oo taabacsan Madaxweynhii hore ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay wadeen weerarro iyo duqeyn gudaha Baydhabo ah.
Wararkaasi waxay sidoo kale sheegayaan in dagaalka iyo duqeynta ay la xiriiri karaan xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee muddada dheer ka dhex jirtay dowladda Federaalka iyo dhinacyada taageersan Laftagareen.
Dagaalladii dhacay 17-ka Agoosto ayaa sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana magaalada laga dareemayay xaalad amni oo aad u kacsan.
Dadka deegaanka ayaa weli xusuusanaya dagaalladii hore, waxaana dhawaqa madaafiicda ee xalay uu dib u soo celiyay cabsi weyn oo shacabka ku saabsan in dagaal kale uu magaalada ka qarxo.
Ganacsatada ayaa sidoo kale xiray qaar ka mid ah goobahooda ganacsi, halka gaadiidka dadweynaha iyo dhaqdhaqaaqa shacabka uu aad u yaraaday.
Waxa ugu weyn ee shacabka Baydhabo ay hadda ka cabsi qabaan ayaa ah in dagaalka xalay uu noqdo bilowga isku dhac ka ballaaran kii hore.
Baydhabo ayaa hadda ku jirta xaalad aad u xasaasi ah, iyadoo rasaas iyo jugo culus laga maqlayo qeybo ka mid ah magaalada, waddooyinkuna ay noqdeen kuwo cidlo ah, halka shacabka ay wajahayaan cabsi laga qabo in dagaal kale uu mar kale si xooggan uga qarxo magaalada.

