Monday, October 27, 2025
HomeWararGudahaDhalinyaro Badan oo Tahriibtay ka Dib markii ay la kulmeen caddaalad Darro

Dhalinyaro Badan oo Tahriibtay ka Dib markii ay la kulmeen caddaalad Darro

Soomaaliya sanadihii ugu Dambeeyay waxaa aad ugu socday arin muran Badan dhalisay oo ah xaraashka dhulka Danta Guud, iyo kan ay shacabka Deganyihiin,Dhul Badan oo horay ugu jiray gacanta Bulshada Gaar ahaan Guryaha Dadka Danyarta ah ayaa lagu wareejiyay Ganacsato,Taasoo Dhalisay caro xooggan iyo kalsooni Darro Bulshada Dhaxdeeda ah.

Dhibaatada ugu Daran Waxay ku dhacday Dhalinyarada kuwaas oo horay ladaalaa dhacayay shaqa la.aan iyo cadaadis dhaqaale,Balse waxay arkeen mustaqbalkoodii oo Baaba.ay iyo qooysaskoodii oo la Barakiciyay,Taas oo Dhalisay in Boqolaal Dhalin yara ah Ay u Tahriibaan Dalal shisheeye si ay u helaan nolol iyo cadaalad qaar koodna ay Badda ku Geeriyoodeen Bilihii ugu Dambeeyay sida ay sheegeen Ehelada Dhalinyaro Badan oo Badda ku Geeriyootay.

Xaraashka dhulka ayaa noqoday mid dhibaato Badan ay kala kulmaan Bulshada Soomaaliyeed iyadoo la sheegay in uu yahay mashruuc musuq ah oo lagu Daneysto Hantida Danta guud.

Dhulkii loo Baahnaa in laga dhiso goobo wax Barasho ayaa laga iibiyaa Ganacsato iyo mas’uuliyiin Dowladeed, waxana ay sababtay in Dad Badan oo sabool ah laga Barakiciyo Guryihii ay ku noolaayeen oo qaarkoodana ilaa iyo hada ay ku dhibaateysanyihiin qeeybo ka mid ah magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe