Monday, October 6, 2025
HomeWararGudahaDHAGEYSO: Madaxweynaha Hirshabelle oo Dhaliil u jeediyay mucaaradka maamulkiisa

DHAGEYSO: Madaxweynaha Hirshabelle oo Dhaliil u jeediyay mucaaradka maamulkiisa

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hadal kulul u jeediyay mucaaradka maamulkaasi, isaga oo sheegay in la soo dhaafay xilligii lagu xallin jiray khilaafaadka iyo cabashooyinka iyadoo la adeegsanayo hub.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada sanad guurada maamulka Hirshabelle, isagoo si toos ah u weeraray kooxaha mucaaradka ee ku eedeeya in maamulkiisu u shaqeeyo si hal dhinac ah.

“Waa laga soo tagay xilligii qori wax lagu jirin jiray. Haddii aad qori haysato, waa inaad ogaataa in cadow badan uu dalka soo galay, oo aan maanta la joogin waqti la isku hanjabo,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xasilinayo gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Hirshabelle guud ahaan, isaga oo sheegay in mucaaradnimada hubeysan ay dib u dhigayso nabadda iyo horumarka bulshada.

Hoos ka dhageyso:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe