Tuesday, November 18, 2025
HomeWararDHAGEYSO:- Maamulka Galmudug Oo Digniin U Diray Shacabka Deegaanadiisa

DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug Oo Digniin U Diray Shacabka Deegaanadiisa

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa fariin u dirtay Bulshada Gobolka Mudug iyo dhammaan bulshada deegaanada Maamulka, taasoo la xariirta saamaynta safmareenka Covid 19

Cabdikariin Abshir Ciise Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ee degmada Gaalkacyo oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Mudug inay qaataan fariimaha waacyi-gelinta ah ee la xariira cudurka Covid 19

Sidoo kale Iskuduwaha Wasaaradda ayaa tilmaamay in uu soo labo kacleeyay Cudurka halista ah ee COVID-19, taasina ay tahay in Bulshadu ogaadaan saamaynta cudurkaan

Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Gaalkacyo e Gobolka Mudug ayaa sheegay inay wasaaradu wado qorshayaal lagu xoojinayo waacyo galinta Bulshada oo ku aadan saamaynta Covid 19.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa kulan deg deg ah shalay ka yeeshay xaaladda Cudurka COVID-19 oo dalka kusoo laba kacleeyay, isla markaana kiisas dhowr ah laga diiwaan-geliyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaas.
warbixin hoos ka dhageyso:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe