Sunday, February 1, 2026
HomeWararGudahaDFS oo xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Hirshabeelle

DFS oo xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Hirshabeelle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘Al-Shabaab’ ee ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe sida looga hortago is uruursiga ay halkaas kawadaan.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ka dhacay howlgallo isugu jiray duqaymo iyo kuwo toos ah oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka ee Federaalka & Dalalka ka caawiya dhinaca weerarrada cirka ah.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa todobaadkaan kordhiyay ciidamada Federaalka ee ka howlgallaya Gobolka Shabeelaha Dhexe si loo durjiyo culayska ‘Al-Shabaab’ ay saareen deegaanno muhiim ah oo katirsan Gobolkaas.

Ujeedka ‘Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii ay u kala jari lahaayeen Ciidamada isku xiran ee ka kala howlgallaya Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud oo Dowladda Federaalka xooggeeda isugu gaysay sidii waddooyinkaas ay ugu sii furnaan lahaayeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe