Thursday, April 9, 2026
HomeWararGudahaDeni oo ku amray ciidamadiisa inay u diyaar garoobaan dagaal lagu difaacayo...

Deni oo ku amray ciidamadiisa inay u diyaar garoobaan dagaal lagu difaacayo Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Deni, ayaa ku amray ciidamada Puntland qeybahooda kala duwan in ay si adag isu diyaariyaan, isla markaana ay heegan buuxa ku jiraan saacad kasta oo loo baahdo.

Madaxweyne Deni oo la kulmay qaar kamid ah ciidamada iyo saraakiishooda, ayaa sheegay in Puntland ay galayso dagaal uu ku tilmaamay mid xaq ah, oo lagu difaacayo shacabka iyo dhulka. Wuxuu xusay in dowladdu aysan siin doonin ciidamada amarro khaldan, balse laga filayo inay si hufan u gutaan waajibaadkooda.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta xasilloonideeda, isagoo ka digay khataro kala duwan oo ay ka mid yihiin argagixiso, burcad-badeed iyo dad isku dayaya inay gudaha u galaan ciidamada si ay u wiiqaan.

Deni ayaa muujiyay kalsooni uu ku qabo ciidamadiisa, isagoo sheegay inay awood u leeyihiin difaaca Puntland iyo ka hortagga cid kasta oo amniga khalkhal gelisa.

“Waxaan ku kalsoonahay in ciidamadeennu ay awood u leeyihiin difaaca dalka iyo ka hortagga cid kasta oo dhibaato keenta.”

Hadalka madaxweyne Deni ayaa imaanaya xilli ay jiraan cabashooyin ka dhex jira ciidamada qaarkood, kuwaas oo ka dhashay isbeddelkii dhowaan lagu sameeyay golaha wasiirrada Puntland.

Ciidamadan ayaa ka cabanaya in beelahooda lagu dulmiyay awood qaybsiga siyaasadeed ee Puntland, halka kuwo kalena ay hore uga cabanayeen mushaar la’aan, iyagoo baaq u diray Dowladda Federaalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe