Wednesday, January 15, 2025
HomeWararDegDeg:- Dagaal u dhaxeeya Ciidamo Ka tirsan Dawladda Oo Mqdisho ka dhacay.

DegDeg:- Dagaal u dhaxeeya Ciidamo Ka tirsan Dawladda Oo Mqdisho ka dhacay.

Wararka ka imaanaya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu Ka qarxay Dagaal u dhaxeeya Ciidamo Kawada tirsan Millatariga Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka xerada Tababarka (Dhagabadan) Ex Jaziira,waxana la sheegay in uu u dhaxeeyey Ciidamo tirsan dowladda oo u abaabulan hab beeleed.

Dadka deegaanka ayaa waxa ayaa xaqiijiyay in ciidamadaas oo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ay iskuheystaan Dhul ku yaalla halka loo yaqaano xeradii hore ee rajo oo ku dhow Xerada Tababarka Jaziira.

Hal ruux ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaas uu ku geeriyooday halka 2 kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhammaantood ah ciidamadii dagaalamay.

Majirto cid ka hadashay Dagaalkaan oo goordhaw ka dhacay degmada wadajir, waxaana imika dagan xaaladda goobtii uu dagaalku ka dhacay.

Wixii ku soo kordha Halkaan kala Soco:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe