Ciidamada dowladda iyo ku deegaanka ayaa goor dhaw qaarijiyey horjooge Siciid Cali Maxaa dheere oo ahaa Gudoomiyaha Deegaanada kala ah Cali-afrax, Xltiro, Ceel-raydab iyo Meexaan, sidoo kalena ku magacaawnaa Madaxda Sakawaadka ee deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.
Saraakiisha hogaaminaysay howlgalkan ayaa sheegay inuu ahaa madaxii baada Al-shabaab ee deegaanka Cali-afrax ee degmada Galcad, laguna dilay hawlgal gaar ah oo maanta ay fuliyeen ciidamada Qaranka iyo kuwa Macaawisleyda.
Qori AK-47 ah uu watay ayaa laga soo furtay waxaana goobta ka baxsaday nin ku waday moota Fekon, laakin horjoogahan ayaa ku baxay gacanta geesiyaasha Qaranka.

