Sunday, October 26, 2025
HomeWararGudahaDeg Deg : Dagaal ka qarxay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka...

Deg Deg : Dagaal ka qarxay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal & Mayd yaal Wadooyinka !!

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka ayaa hadda ka socda magaalada Garowe.

Dagaalka ayaa bilowday markii ay soo baxayeen warar sheegaya in baarlamaanka uu bilaabay doodda furista dastuurka, xilli wararka qaar ay sheegayaan in baarlamaanku furay dastuurka.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka culus, wuxuuna xooggiisa ka socdaa bartamaha magaalada gaar ahaan aagga barlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada mucaaradku ay duqaynayaan xarunta baarlamaanka, halkaas oo uu baarlamaanku ku sugan yahay, ugana socoto doodda dastuurka.

Waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka socda, balse weli si dhab ah looma oga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe