Dagaal ayaa ka soconaya gudaha magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.
Goobjoogeyaal ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in la maqlayo rasaasta dagaalka u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.
Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dhinaca Jubbaland ayaa xaqiijiyay dagaalka ka socda gudaha magaalada Beledxaawo.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah oo sida wafti uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay gaareen magaalada Beledxaawo.
Cabdirashiid Janan ayaa dhawaan loo magacaabay taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee gobolka Gedo.
Mar kale, gobolka Gedo ayaa noqonaya xudunta khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

