Saturday, September 20, 2025
HomeWararDibaddaCumar Cabdirashiid" Dagaalka Khawaarijtu wax siyaasad iyo dhaqaale laga raadin karo ma...

Cumar Cabdirashiid” Dagaalka Khawaarijtu wax siyaasad iyo dhaqaale laga raadin karo ma ahan”

Ra’isul Wasaarihii hore ee dowladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya lagu taageero dagaalka ka dhanka ah As, sida uu ku sheegay qoraal uu kusoo daabacay bartiisa Twitter.

“Al Shabab waa khatar jirta waana in aan garab istaagnaa dowladda dadaalka ay ugu jirto ciribtirka khatartan. Sida cad, dib u habeynta istaraatiijiyada ayaa loo baahan yahay in la sameeyo, laakiin sidoo kale waa inaan qiraa shaqada wanaagsan ee ay SNA iyo ciidamada difaaca madaniga ah ka qabteen dagaalkan,” ayuu yiri raysal wasaarihii hore.

Baaqa Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble ay ku baaqeen in la taageero dagaalka ka dhanka ah As.

“Arrintan socota ma aha arrin laga raadin karo siyaasad iyo dhaqaale toona ma ahan. Waa arrin jiritaankeenna ku xiran. Waxaan rabaa inaan ciidanka dhiirri galiyo kuna bogaadiyo inay meesha kasii wadaan,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Cumar Cabdirashiiid wuxuu sheegay qatarta As in ay tahay qatar caalami ah oo haddii aan laga hortagin keeni karta inuu halis galo qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa taageero weyn ku helay dagaalka uu As kula jiro. Inta badan siyaasiyiin dalka soo hoggaamiyay iyo kuwa ka aragtida duwan, ayaa dowladdiisa ku taageersan dagaalka ay kula jirto As.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe