Monday, September 29, 2025
HomeWararGudahaCiidanka AUSSOM oo howlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyay Jowhar

Ciidanka AUSSOM oo howlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyay Jowhar

Ciidamo katirsan Militariga Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Magaaladaas xarunta u ah Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Taliyaha guud ee qaybta 5aad ee Saldhigga Diyaaradaha Jowhar Gaashaanle Sare Oscar Hatungimana ayaa hoggaaminayay howlgalkaan roondada ahaa oo ciidamadu ku mareen waddada isku xirta Garoonkaas ay ka degtaan Diyaaradaha iyo Magaaladaas.

Waxaa howlgalka loogu magac daray “Badqabka isu socodka dadka iyo badeecadaha Magaalada Jowhar” waxa ay ciidamadu ku baareen hareeraha waddada si ay usoo saaraan haddii Miino halkaas la geliyay sida wararku sheegayaan.

Ciidamada Burundi waxa ay la howlgalaan ciidamo katirsan Ciidanka Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayay ku sugan yihiin iyaga oo la howlgalla xiliyada qaar.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe