Saturday, October 25, 2025
HomeWararGudahaCiidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha...

Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay deegaanno hoostaga Magaalada Awdheegle Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Howlgalkaan ayaa yimid kaddib markii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Askarta Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ay gacanta ku dhigeen deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

 

Ciidamada ayaa baaray waddooyinka muhiimka ah si ay uga soo saaraan haddii miinooyin la geliyay, waxa ay sidoo kale hubinayaan Gaadiidka isaga kala gudba deegaannada howlgalladaan xooggiisa ay ka wadaan sida ay sheegeen ilo wareedyo.

Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Awdheegle waxaa dhowaan tagay saraakiil katirsan hoggaanka ciidanka Xoogga Dalka, Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga iyo howlgalka ATMIS, waxa ay kawada hadleen sidii loo sii kordhin lahaa howlgallada socda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe