Sunday, April 5, 2026
HomeWararDibaddaCadaado:wariyaal tababar loo soo xeray.

Cadaado:wariyaal tababar loo soo xeray.

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo tababar ku saabsan doorka warbaahinta ee dowlad wanaagga
Cadaado ugu soo xiray wariyaasha magaallada cadaado.

Tababarkan oo socday muddi sadex maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgalay wariyaal ka kala socda idaacadaha magaalada ku yaal iyo warbaahinta kale, waxaana ay ku baranayeen doorka warbaahinta kaga aadan dowlad wanaagga.

Cabdisalaan Macalin Xasan oo ka mid ah wariyaasha tababarka qaatay ayaa sheegay in tababarkan uu ku soo aaday waqti muhiim ah, ayna ka faa’iideysteen mudadii uu socday aqoon badan oo ku saabsan doorka ay warbaahintu ka geysan karto dowlad wanaagga.

Agaasimaha waaxda tababarada ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Galmudug
Xasan Cabdiraxman Aadan(Fantastic) ayaa isna xusay in tababarkan uu daba socday tababrro kale oo horay loogu qabtay degmooyinka Galmudug, uuna qayb ka yahay mashruuca horumarinta xirfadda wariyaasha.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug mudane Abshir Daahir Sheekhow ayaa wariyaasha kula dardaarmay inay dhaqangaliyaan aqoonta ay ka faa’iideen tababarkan marka ay ku laabtaan xarumahooda, waxaana uu hoosta ka xariiqay in wasaaraddu ay xoojinayso tababarada saxafiyiinta si tayadooda sare loogu qaado.

Tababarkan oo uu fududeysay Xafiiska UNSOM ayaa furitaankiisa waxaa ka qayb galay maamulka degmada Cadaado iyo ururada bulshada qaarkood, waxaana ay bogaadiyeen sida wasaaradda warfaafintu uga shaqaynayso horumarinta xirfadda wariyaasha Galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe