Cabdiraxman Cirro, Madaxweynaha Maamulka Somaliland, ayaa maanta u safray dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono hogaamiyaan ka socda Imaraadka Carabta sida ay sheegeen saraakiil la socotay safarkiisa.
Socdaalkan ayaa imanaya labo todobaad kadib markii gudaha Soomaaliya laga saaray Imaaraadka, ka dib markii Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Xamsa ay burburisay dhammaan heshiisyadii horey ula galay dowladda Imaaraadka.
Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed u fidiyay maamulada Puntland iyo Somaliland, xilli khilaafyo siyaasadeed u dhexeeyo dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada uu sii xoogaystay. Safarka Cabdiraxman Cirro ayaa lagu arkaa mid saameyn ku yeelan kara xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyo sidoo kale dadaallada dib u heshiisiinta ee dowladda federaalka.
Ilo wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyay in socdaalka Cirro uu qayb ka yahay dadaallada Imaaraadka ee ku aaddan taageeridda maamulada gobolka, iyadoo sidoo kale dowladda dhexe ay sii wadaysa siyaasaddeeda adag ee ku aaddan xakameynta heshiisyada dibadda.
Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ah mid sii xoogaysanaya, waxaana socdaalka Cabdiraxman Cirro lagu arkaa calaamad muujinaysa xiisadda siyaasadeed ee dalka

