Thursday, November 20, 2025
HomeWararGudahaCabdifitaax Cali Xasan oo lagu toogtay fagaare ku yaala duleedka degmada Guriceel

Cabdifitaax Cali Xasan oo lagu toogtay fagaare ku yaala duleedka degmada Guriceel

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Shalay fagaare ku yaala duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku toogtay Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye oo isla Shalay Maxkamadda gobolka Galgaduud ku riday xukun dil toogasho ah.

Ninkan toogashada lagu fuliyay ayaa Maxkamadda gobolka Galgaduud ay sheegtay iney ku heshay cadeymo ku aadan dil bareer ahaa oo uu 16-kii bishan ugu geystay gudaha magaaladaasi ganacsade lagu magacaabi jiray Deeq Cabdi Jaamac.

Xukunka toogashada ah ee lagu fuliyay ninkan ayaa Maxkamaddu u dedejisay sababo la xiriira dilalka aanooyinka qabiilka ah ee mudooyinkii dambe kusoo badanayay deegaanada maamulka Galmudug.

Garsoorka Maxkamada gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale tilmaamay in xukunkaan loo fududeeyay si farriin loogu diro maleeshiyo beeleedyada ka gaysta deegaanada Galmudug dilalka aanooyinka.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in dadajinta xukunkan uu yahay codsi ka yimid odayaasha dhaqanka iyo wax garadka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo horay ugu balamay in cid kasta oo dil ka gaysata Guriceel la marsiiyo Shareecada Islaamka.

Ugu dambeyntii dadka reer Guriceel ayaa si weyn u bogaadiyay in dilkan qisaasta ah iyo in cadaaladu ay shaqeyso, maadaama ay tahay wadada keliya oo ay dadku ku kala badbaadi karaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe