Warbixin ay si wadajir ah u daabaceen wargeyska The Guardian iyo warbaahinta Kolombiyada ee La Silla Vacía ayaa shaacisay in saldhig militari oo Imaaraadku ku leeyahay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari loo adeegsado meel lasii mariyo dagaalyahannada Kolombiyaanka ee loo diray dagaalka ka socda Suudaan.
Warbixintu waxay muujineysaa in Boosaaso ay noqotay meel istiraatiiji ah oo ay Imaaraadku u adeegsadaan hawlgalladooda milatari ee gobolka, taas oo sare u qaaday su’aalo ku saabsan doorka Soomaaliya ee dagaalka Suudaan iyo isticmaalka dhulkeeda ujeeddooyin ciidan oo aan daahfurneyn.
Saldhigga Boosaaso, oo Imaaraadku dhisay dhowr sano ka hor, waxaa markii hore loo sheegay inuu u adeegayo tababarka ciidamada badda Puntland, balse marar badan ayaa la sheegay in uu noqday xarun militari oo Imaaraadku si madax-bannaan u maamulo.
Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer lagu eedeeyay inay maalgelin iyo hub siinayaan RSF, inkasta oo ay si joogto ah u diidaan eedeymahaas. Warbixintan cusub ayaa dib u soo noolaysay su’aalihii ku saabsan doorka Imaaraadka ee dagaalka Suudaan iyo sida ay Puntland uga war hayso ama uga oggol tahay in dhulkeeda loo adeegsado hawlgallo ciidan oo qarsoodi ah.
Muddo laba sano ka badan ayaa Suudaan waxaa ka socday dagaallo sokeeye, kaasoo Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xumaa taariikhda dhow.
Tan iyo markii Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan iyo Xoogaga Taageerada Degdegga ah (RSF) ay bilaabeen dagaalka Abriil 2023, qiyaasaha rasmiga ah ayaa sheegay in ugu yaraan 150,000 ay ku dhinteen ku dhawaad 13 milyan oo kalena ay barakaceen. Rabshadaha ayaa Suudaan ku riixay heer aad u liita oo saboolnimo ah, iyadoo hay’adaha ay ka mid tahay UNICEF ay ka warbixiyeen xaalado macluul daran, cunto yari baahsan, iyo xad-gudubyo badan oo xuquuqda aadanaha ah.
Mid ka mid ah gobollada uu sida aadka ah dagaalku u saameeyay waxaa ka mid ah magaalada El Fasher oo ku taalla gobolka Daarfuur ee Koonfur-galbeed ee Suudaan, taasoo go’doonsan in ka badan 500 oo maalmood, iyadoo ciidammada Suudaan iyo kuwa RSF ay isku hayaan gacan ku haynta gobolkaas.
Aaggaas, sida lagu sheegay warbixin dhawaan uu soo saaray The Guardian, calooshood u shaqeystayaal Colombian ah ayaa waxaa shaqaaleysiiyay kooxda RSF-ta si ay u tababaraan dagaalyahanno, oo badankood ay carruur yihiin.
Ku lug lahaanshaha calooshood u shaqeystayaal Colombian ah ayaa waxaa markii ugu horeysay warbixin ka qortay sanadkii hore oo la yiraahdo La Silla Vacía, oo ah wakaalada wararka ee Colombia, taasoo ogaatay in in ka badan 300 oo askari oo hore uu qandaraas siiyay wadan saddexaad si ay uga dagaalamaan Sudan. The Guardian-ka ayaa sidoo kale ururiyay marqaatiyada dadka reer Colombia iyagoo qiraya inay caruur u tababareen askar waxaana lagu arkay Zamzam, xerada barakaca ee ugu weyn Sudan.
Bishii Agoosto, Mohamed Khamis Douda, oo ah afhayeenka xerada Zamzam ee Darfur, ayaa u xaqiijiyay Sudan Tribune joogitaanka “calooshood u shaqeystayaasha shisheeye” ee gobolka. “Waxaan indhaheenna ku soo aragnay fal-dambiyeed laba geesood ah: Barakicinta ay Maleeshiyada RSF-ta dadkeena ku hayaan, iyo hadda in xerada ay la wareegeen calooshood u shaqeystayaal shisheeye,” ayuu yiri.
Sida laga soo xigtay The Guardian, Imaaraadka Carabta, oo lagu eedeeyay inay taageerto RSF, ayaa lagu eedeeyay inay shaqaaleysiisay calooshood u shaqeystayaal shirkado ammaan oo gaar ah, iyadoo Imaaraadku beeniyey.
Nin magaciisa lagu sheegay Carlos oo u dhashay dalka Colombia oo la soo kiraystay horaantii sanadkan oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska in shaqadii ugu horaysay ee uu qabtay ay ahayd inuu tababaro ciidamo Sudani ah oo u badan caruur.
Xeryaha waxaa ku sugnaa kumannaan qof oo la qoray, qaar dad waaweyn ah, laakiin u badnaa caruur, carruur badan iyo kuwo badan,” ayuu yiri. “Waa caruur aan waligood wax hub ah qaadan, waxaan barnay sida loo xakamo qoryaha daran dooriga u dhaca, qoryaha darandooriga u dhaca, kuwa RPG-ga, intaasi kadib waxaa loo soo diray dhanka hore, waxaana u tababarnay inay tagaan oo ay dilaan”.
Carlos ayaa ku tilmaamay tababarka mid aad u xun oo waali ah, isagoo intaa ku daray “nasiib darro waa sida dagaalku yahay.
Sida ku cad maraggiisa, waxaa loo soo bandhigay qandaraas uu ugu safro Afrika bishiiba $2,600. Kadib baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyay Bogotá, waxaa loo duuliyay dalka Itoobiya, kadibna waxaa loo dhoofiyay saldhig ay Imaaraadka ku leeyihiin Boosaaso, Soomaaliya. Ka dib, waxaa loo qaaday Nyala oo ku taal Koonfurta Darfur.
Si ka duwan qaar ka mid ah dadka sirta faafiya ee Colombia oo sheegay in loo sheegay inay ilaalinayaan xarumaha shidaalka ee Imaaraadka, Carlos wuxuu sheegay inuu ogaa inuu dagaal galayo. Sida laga soo xigtay The Guardian, waxa uu ogaa oo kaliya in uu u socdo in ay tahay meel ka mid ah Afrika.
Khubaro uu la tashaday jariirada The Guardian ayaa sheegay in dagaaladii gudaha ee Colombia ee tobanaan sano socday ay kula jireen kooxaha daroogada ka ganacsada iyo kooxaha wax iska caabinta uu soo saaray tiro dheeri ah oo dagaalyahanno ah oo khibrad u leh, kuwaas oo intooda badan helay tababar ciidan oo Maraykan ah, taasoo ka dhigtay in si weyn loogu raadsado calooshood u shaqeystayaal.
Kolombiya waxay leedahay in ka badan nus qarni dagaal firfircoon. Askarteeda si fiican looma tababarin oo kaliya laakiin waxay sidoo kale ku shaqeeyeen xaalado aad u adag, taas oo ka dhigaysa inay u diyaar garoobaan dagaalka, “ayay tiri Elizabeth Dickinson, falanqeeye sare oo Kolombiya ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah.
Sean McFate, oo ah khabiir ku takhasusay calooshood u shaqeystayaal ayaa warbaahinta u sheegay in adeegsiga dagaalyahannada noocaan ah ay aad caan u noqotay sannadihii 2010-kii, markaasoo askartii hore ee Colombia lacag la siiyay si ay u ilaaliyaan kaabayaasha shidaalka ee Imaaraadka, kadibna loo daabulay Yemen.
“Imaaraadku wuxuu u soo diray calooshood u shaqeystayaal badan oo Colombian ah si ay u aadaan oo ay u dilaan Xuutiyiinta [jalaagada] wayna ku guulaysteen taas,” McFate ayaa yidhi.
McFate waxa uu sheegay in calooshood u shaqeystayaasha ay u ogolaadaan wadamada in ay sii wadaan “dafirid macquul ah” kiisaska ay rabaan inay ka baxsadaan sharciyada caalamiga ah ama marka la filayo xadgudubyada xuquuqda aadanaha. “Marka la qabto ama la dilo, waad diiddaa,” ayuu yidhi.
Dickinson iyo McFate labaduba waxay ku doodayaan in arintu ay salka ku hayso nidaamka Colombia, maadaama askar badan lagu qasbay inay shaqada ka fariistaan da’da 40 jir oo leh hawlgab yar iyo fursado dib u tababarid oo yar.
“Haddii aad gasho millatariga 18 jir oo aad u adeegto 20 sano, xitaa 40 ma tihid marka aad shaqada ka fariisato. Waxaad haysataa 15-20 sano oo kale oo ka harsan awood hawleed,” Dickinson ayaa yidhi. “Qaabka taageerada ee ciidamada Colombia ee hawlgabka ah waa mid aan ku filnayn, gaar ahaan marka la barbardhigo waxa ay bixiyaan shaqooyinka calooshood u shaqeystayaasha ah.”
Sida laga soo xigtay Carlos, wuxuu ka tagay ciidamada qalabka sida ee Colombia ka dib shan sano oo kaliya oo uu ku shaqeynayey mushahar wanaagsan oo calooshood u shaqeyste ah. Waxa uu sheegay in uu sidoo kale ka tagay Suudaan, isagoo u sababeeyay arrimo la xiriira lacag bixinta. Waxa uu sheegay in 30 nin ay isaga garab tageen, in kasta oo “isla markaana, ay duullimaadyo 30 kale ahi imanayeen.”