Thursday, October 2, 2025
HomeWararGudahaBooliska oo gacanta ku dhigay 7 dhalinyaro ah oo mindi ku ciyaarayay...

Booliska oo gacanta ku dhigay 7 dhalinyaro ah oo mindi ku ciyaarayay garoomada ciyaaraha Muqdisho

Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo qabtay 7 dhalinyaro ah oo falal halis ah ku sameynayay garoommada lagu ciyaaro bulshada, islamarkaana baraha bulshada soo dhigayay falal halis ah.

Xariga saraakiishan ayaa waxaa sameeyay ciidamada saldhiga degmada Warta-Nabadda, kadib markii muuqaalo laga soo duubay ay dadweynuhu walaac ka muujiyeen, isla markaana ay ku baaqayaan in booliska tallaabo laga qaado.

“Midida iyo waxyaabaha la midka ah waa ka mamnuuc garoomada ciyaaraha iyo goobaha kale ee dadku isugu yimaado, qof kasta oo lagu helo inuu naftiisa khatar gelinayo ama kuwa kale waxa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,” ayuu booliisku ku yiri hadal uu soo saaray.
Maamulka ayaa uga digay dhalinyarada inay la soo galaan walxaha waxyeelada leh garoomada ama meelaha kale ee dadweynaha, iyagoo carabka ku adkeeyay in xadgudubyada ay wajihi doonaan cawaaqib sharci oo adag.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe