Sunday, October 5, 2025
HomeWararGudahaAxmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo{Sawirro}

Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo{Sawirro}

Madaxweynaha maamulka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo, kaddib safar shaqo oo uu maalmahan ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Waxaa Madaxweynaha Jubbaland soo dhaweeyay guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee maamulka Jubaland, iyo dadweyne kala duwan oo magaalada ka kala yimid.

Axmed Madoobe , ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas uu kulamo xasaasi ah kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo xubno katirsan Madasha Wadatashiga Qaran .

Madaxweynaha Jubbalanad , ayaa dib ugu laabashadiisa magaalada Kismaayo, ayaa kusoo aadeysa xilli la hadal hayo in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh tagayo magaalada Kismaayo, si uu wadahadallo ula yeesho Axmed Madoobe uu kala dhaxeeyo khilaaf meel xun gaaray.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe