Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga digtay in howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay khatar ugu jirto inay burburto, kaddib markii ay ciidamadeeda mudda 15 bilood ah aan la siinin wax mushaar ah.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa arrintan ka hadlay intii lagu guda jiray shir heer sare ah oo lagu qabtay magaalada New York, kaas oo lagu doonayay in lagu helo taageero dhaqaale oo degdeg ah oo lagu badbaadinayo howlgalka.
“Ciidamada AUSSOM waxay safka hore kaga jireen dagaalka Al-Shabaab muddo 15 bilood ah iyagoo aan wax mushahar ah helin, Tani waa xaalad aan la aqbali karin,” ayuu yiri Guterres.
Howlgalka AUSSOM oo lagu beddelay AMISOM, ayaa muddo labaatan sano ku dhawaad door muhiim ah ka ciyaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, Hase yeeshee, dhaqaalaha oo go’ay ayaa keenay in kumannaan askari ay ku shaqeeyaan xaalad adag, taasoo su’aal gelinaysa sii socoshada hawlgalka.
Sida laga sheegay shirka New York oo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlado ay ka mid yihiin UK, waxaa jirta cabsi ah in haddii aan si degdeg ah lacago loogu helin AUSSOM, ay kooxda Al-Shabaab dib u hanato dhul horay looga xoreeyay.
“Haddii aysan jirin taageero dhaqaale, waxaa jirta halis ah in kooxaha xagjirka ah ay mar kale qabsadaan dhul muhiim ah, taasoo halis ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka oo dhan,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay.
Shirka loo qabtay sidii lagu heli lahaa maalgelin joogto ah ayaa ku soo dhammaaday iyadoo aysan jirin wax ballanqaad toos ah oo lacageed, arrintaasi uu Guterres ku tilmaamay “dhib weyn iyo dib u dhac khatar ah”.
Wakiillo ka socday Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada AUSSOM aysan sii wadi karin dagaalka haddii aysan helin mushaharkooda, waxayna codsadeen in beesha caalamka ay si degdeg ah uga jawaabto baaqa.
Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa horey ugu baaqay in si degdeg ah loo helo maalgelin lagu badbaadinayo howlgalka, si Soomaaliya aan loogu dhaafin xaalad amni darro ah oo hor leh.